GAZA(KAAB TV)- hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ka dib markii dib u eegis madax bannaan lagu ogaaday in Israa’iil aysan bixin “wax caddayn ah” oo ku saabsan sheegashada khaladka ah ee ka dhanka ah hay’adda, oo ah bixiyaha ugu weyn ee adeegyada Gaza. .
UNRWA waxay sheegtay inay “soo dhawaynayso natiijooyinka” warbixinta, taasoo xaqiijisay inay leedahay habab lagu hubinayo “u hoggaansanaanta mabda’a dhexdhexaadnimada”.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in ay socdaan habab lagu eegayo eedeymaha ku saabsan ku xadgudubka xuquuqda ee ciidamada Israa’iil balse ma xaqiijinayo wararka sheegaya in Mareykanka uu ka fiirsanayo cunaqabateynta ka dhanka ah cutub ka tirsan ciidamada Israel.
Difaaca madaniga ah ee Falastiin ayaa sheegay in ilaa hadda ay soo saareen 283 mayd ah oo laga helay xabaalo wadareedyo la helay ka dib markii ciidamada Israel ay ka baxeen cisbitaalka Naasir ee Khan Younis ee koonfurta Gaza.
Ugu yaraan 34,151 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 77,084 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin oo ku boorisay deeq-bixiyeyaasha inay dib u soo celiyaan maalgelinta.
|