SO | EN

Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle oo joojisay imtixaankii hay’adda Wardi

|

Jalalqasi  (KAAB TV) Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Dowladda Hirshabeelle ayaa gabi ahaanba kansashay oo waxbo kama jiraan kasoo qaaday imtixaankii ay haay’ada Wardi ka qaaday Magaalada Jalalqasi ee Masharuuca Damal Caafimaad kaasoo sababay kacdoon bulsho kadib markii si ba’an loo masuq masuqay islamarkaan liiska shaqaalaha kusoo baxay ay dhamaantood yahiin dad gaar ah oo la xushay sida ay  warbaahinta  sheegeen dad ku sugan degmada jalalaqsi ee gobolka hiiraan .

 

Agaasimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Dowladda Hirshabeelle   Cabdirashiid Maxamed Xuseen, ayaa sheegay inay Wasaaradu oo fulineyso cabashada bulshada Degmada jalalqasi ay joojisay imtixaankii la shaaciyay islamarkaan dib looga noqonaya galista imtixaanka markale si Cadaalad ay u hesho bulshada si lamid ah Degmooyinka kale dowlad goboleedka Hir-shabelle.

 

Saacadahii ugu dambeyay cabsho xoogan oo ka timaaday qaadista imtixaanka Masharuuca Damal Caafimaad ee Degmada jalalqasi oo ay qabtay haay’ada Wardi oo heshiis kala tuursho ah la gashay Gudoomiyaha Degmada jalalqasi Nuur Dheere, taaso sumcad xumo ku ah haay’ada bulshada Magaaladan ay siweyn kaga horyimaadeen,

 

Degmooyinka kale ee gobolka hiiraan ee laga qabtay imtixaanka damal kama imaanin cabashadan oo kale waxaan ay dadku sheegeen inay qaadeysay haay’ada Save children laakiin Degmada jalalqasi lagu wareejiyay Wardi oo kala tuurshadaas kula heshiisay maamulka laakiin ay ka raacday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News