GAROOWE (KAAB TV) – Wasaaradda Duulista Hawada ee Puntland ayaa ku wargelisay shirkadaha diyaaradaha in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uu yahay mid ammaan ah isla markaana duulimaadyada ganacsiga ay ka shaqeyn karaan.
War-saxaafadeedkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay duulimaadyada ganacsiga ee garoonka diyaaradaha Boosaaso, iyadoo cuskanaysa walaacyo amni, arrintaas oo ay si xooggan u diidday Puntland.
Saaka, labo shirkadood oo kala ah Ethiopian Airlines iyo Daallo Airlines ayaa kansalay duulimaadyadoodii qorsheysnaa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah ee Boosaaso.
Waxaa jirtay in maalmo ka hor ciidanka PSF ee ka amar qaata Asad Cismaan Diyaano ay soo saareen war saxaafadeed ay ku sheegayaan in laga fogaado Garoonka Boosaaso, iyagoo ku eedeeyay maamulka Puntland inay garoonka u diideen ciidamada inay isticmaalaan.
Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa beeniyay eedeynta, isagoo sheegay in garoonku u furan yahay cid kasta, isla markaana aanu ahayn meel militari.