MUQDISHO (KAAB TV) – Saacado ka dib markii uu warbaahinta galay warka sheegayaa in dowladda Mareykanka ay joojisay dhammaan taageerada saadka raashiinka ee la siiyo ciidanka Danab ee Xoogga Dalka, ayaa waxay Wasaaradda Gaashaandhigga Dowlada Federaalka Soomaaliya qiratay in raashiinkii ciidanka la leexsaday.
War saxaafadeed ku qoran Af Ingiriis oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu caddeeyay in askar loo diray, shaqadana laga joojiyay ka dib markii raashiinka ciidanka la xaday.
Wasaaraddu ma sheegin magacyada iyo derejada saraakiisha leexsatay raashiinka.
“Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka mahadcelineysa taageerada dowladda Mareykanka ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo sidoo kale bixinta taageerada muhiimka ah ee bini’aadantinimada iyo horumarinta,” ayey tiri Wasaaraddu ku sheegat war saxaafadeedka oo saqbarkii xalay lasoo saaray.
BAARITAAN
“DFS [Dowladda Federaalka Soomaaliya] waxay si dhab ah u qaadaneysaa dhacdooyinkan, waxayna isla markiiba billawday baaritaan taasoo keentay in shaqada laga joojiyo, lana xiro saraakiil ka tirsan ciidanka si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in natiijada kasoo baxda baaritaanka lala wadaagi doono saamileyda ciidanka, oo loola jeedo Dowladda Mareykanka ee taageerta ciidanka Danab.