SO | EN

SO | EN

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo soo saartay ammar cusub oo ka dhan ah goobaha shaqada

|

Muqdisho (KAAB TV) – Wasaarada shaqada & arrimaha bulshada ee DF ayaa soo saartay amar lagu socodsiiyay dhammaan loo shaqeeyayaasha inay goobahooda shaqada iyo shaqaalaha iney si rasmi ah isaga soo diiwaangeliyaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay in isdiwaangelinta aysan aheyn wax lacag ah marka laga reebo shahaadada badqabka caafimaadka iyo goobaha shaqada, shahaadadan waa mid muhiim ah oo loogu talagalay in lagu hubiyo Badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda.

War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa uqornaa sida tan:

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ku wargelinaysaa dhammaan loo shaqeeyayaasha inay goobahooda shaqada iyo shaqaalaha si rasmi ah ay uga diiwaangeliyan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, diiwaangelintuna waa mid 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐬𝐡 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐡𝐞𝐲𝐧 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠, marka laga reebo shahaadada badqabka caafimaadka iyo goobaha shaqada. Shahaadadan waa mid muhiim ah oo loogu talagalay in lagu hubiyo Badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada, waxaa sidoo kale muhiim ah in la dhaqan-geliyo habraaca  badqabka iyo caafimaadka kaas oo ku xusan sharciga dhaqangalka ah ee Xeerka  Shaqada (𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢 𝐋𝐚𝐛𝐨𝐫 𝐂𝐨𝐝𝐞)”

“waxaa la caddeynayaa in aysan jirin 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐡𝐚𝐬𝐚𝐛 𝐚𝐡 oo ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kusoo rogayso ganacsatada iyo shaqaalaha. Habkan diiwaangelinta waxa uu muhiimad gaar ah siinayaa ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, horumarinta kobaca dhaqaale, iyo abuurista jawi shaqo oo nabdoon, sharciyeysan, islamarkaana suurtagelinaya in shaqaalaha Soomaaliyeed ay si sharaf leh ugu shaqeeyaan goobo badbaado leh”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News