GAROWE (Kaab TV) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse, ayaa si adag uga hadlay rabshadihii ka dhashay khilaafkii doorashada Puntland sanadkii 2023, isagoo sheegay in shacabka weli ay xasuus u leeyihiin xanuunka dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qalalaasahaasi.
“Siyaasiyiintii Garowe ka riday colaadda, waxaan Alle ka baryay inaysan dib dambe noogu soo noqon. Guryihii laga dhaawacmay ama laga dhintay, waxaan Alle uga baryay beddel kheyr qaba,” ayuu yiri Wasiir Huruuse.
Huruuse, oo haatan ah hoggaamiyaha Xisbiga Mideeye, ayaa tilmaamay in xisbiyada siyaasadeed aysan jiri karin haddii aysan dadweynuhu horseed ka noqon nidaamka dimuqraadiyadda iyo midnimada bulshada.
Doorashooyinkii Puntland ee la qorsheeyay sanadkii 2023 ayaa hakad galay kaddib markii rabshado hubeysan ay ka dhaceen magaalada Garowe, kuwaasoo sababay khasaare naf iyo maal leh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inuu si toos ah u kiciyay xiisaddaasi, isagoo horey u sheegay in Puntland ay “ku burburi doonto 24 maalmood gudahood,” isla markaana uu taageero siiyay mucaarad hubeysan oo dagaal ka bilaabay gudaha Puntland.
Wasiir Abshir Huruuse ayaa sheegay in dadka reer Puntland ay weli dareemayaan dhaawacyadii nafeed, burburka, iyo kala qaybsanaantii siyaasadeed ee ka dhalatay qalalaasihii doorashadaas.