Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Wasiir Beene-Beene oo faahfaahin ka bixiyay amar culus oo lagu soo rogay hay’addaha gar-gaarka

|

Muqdisho ( Kaab TV) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beene ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay amarkii shalay kasoo baxay wasaaradiisa ee ku socday hay’addaha gar-gaarka iyo horumarinta.

Wasiir Beene-Beene oo wareysi siiyay (Kaab TV) ayaa sheegay in warqadii shalay uu soo saaray ay lahayd laba ujeedo oo kala ah; In hay’addahaas usoo guuran gudaha Soomaaliya iyo hay’addaha qeybaheeda kala duwan la shaqeeya dowladda in shirarkood aysan ku qaban karin meel ka baxsan Soomaaliya.

Waxa uu xusay in wasaaradda aysan waajib ka dhigayn in hay’addahaas ay xarumo ka furtaan caasimada oo kaliya, balse ay shardi tahay inay usoo guuran gudaha dalka, ayna ka degi karaan gobol kasta iyo degmadii ay rabaan.

“Hay’addaha xafiisyadooda ka furan yihiin wadamada deriska ee raba inay Soomaaliya ka shaqeeyaan ayaa farriin adag u diray waxaa rabna in ay gudaha Soomaaliya usoo guuran meesha ay doonaan ha ka dagaan. Shirarka la qabanayo waa in gudaha Soomaaliya ka dhaca oo aan banaanka shirar loo geynin si hoteellada iyo ganacsiyada Soomaaliyeed ugu faa’iidaan.

Wasiirka Qorsheynta ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in amarkaan uu xoojinayo awaamiir dhowr sanno kahor kasoo baxday wasaaradda, maadama ay weli jiraan hay’addo aan u hogaansamin awaamiirtaas sidaasna ugu qabteen muddo laba bil ah.

“Hay’addo badan oo markaas aqbalay oo soo guuray ayaa jira, qaar kale oo weli soo guurin oo howlahoodii shaqo ka qabta Soomaaliya ayaa jira. Intii hore usoo degtay (gudaha dalka) waa u mahad-celinayna inta dhimana waxa ku amrayna in gebi ahaanba soo xiraan xafiisyada wadanka banaankiisa ku yaalla, si ay qeyb uga noqdaan howlaha ka socda deegaanada la xoreeyay.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News