SO | EN

Wasiir Ciise “Itoobiya way buuxin weysay shuruudihii ay qeybta ugu noqon lahayd dekadda Berbera”

|

Hargeysa (KAAB TV) – Wara qoraal ah oo kasoo baxay Wakaalada wararka ee Itoobiya iyadoo kasoo xiganeysa Wasiirada Wasaarada gaadiidka Lojistikada Alemu Sime ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in uu meel hagaagsan uu marayo siina hagaagi doonto wadahadalada udhexeeyo dowladda Itoobiya iyo maamulka madaxbanaanida iskiisa isugu dhawaaqay ee Somaliland.

Sidoo kale, bishii hore ayaa Abiy Axmed sheegay in Itoobiya ey hesho dekad iyo bad ey tahay mid ey kuxirantahy jiritaanka dowladnimo ee Itoobiya, iyadoo uu hadalkaas walaac farabadan ey kamuujiyeen wadamadda dariska la ah Itoobiya.

Dhanka kale, Alemu Sime oo ah wasiirka gaadiidka iyo Lojistikada ayaa hadalkan kasheegay shir ey lahaayeen golaha Wasiiradda Itoobiya kaas oo uu shir gudoominaayay R/Wasaare Abiy Axmed.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumada Somaliland Dr. Ciise Kayd ayaa sheegay ineysan jirin wax wadahadal ey laleeyihiin Itoobiya isagoo intaas kusii daray in arrintan ey ku saabsantahay sheekadii hore 19% arrintaana waa hore ayey aheyd warkeedana wuu dhamaaday ayuu yiri Dr. Ciise Kayd.

“Heshiiskaas wuu dhamaaday maadama ey Itoobiya kasoo bixiweysay sharuudihii laga rabay oo ay qeybta uga noqon leheed dekadda Berbera oo ay haatan gacanta kuheyso DP World” ayuu hadalkiisa kuyiri Dr. Ciise Kayd.

“Itoobiya waxa ay bixin waysay lacagtii laga rabay, sidaas ayayna ku waysay qeybtii ay rabtay,” ayuu wasiir kayd sii raaciyay hadalkiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News