Ankara (KAAB TV) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan, oo la hadlayey wargeyska Bloomberg, ayaa sheegay in dalkiisu ku guulaystay dhamaystirka xiisadii u dhexaysay Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sidoo kale, Fidan ayaa tilmaamay in xiriirka adag uu Türkiye la leeyahay Midowga Afrika, isagoona carrabka ku adkeeyay in hoggaamiyeyaasha Afrika ay doonayaan inay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Türkiga.
Dhanka kale, maruu ka hadlayey doorka Türkiye uu ku leeyhay geeddi-socodka nabadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa Fidan wuxuu tilmaamay in uusan jirin dagaal hubaysan oo ka socda gobollada kala duwan ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay arrin wanaagsan.
Wuxuu qiray inay weli jiraan xiisado gudaha ah oo ka taagan gudaha dalka una baahan xal deg deg ah.
Wasiirku Fidan waxa uu sheegay doorashooyinkii ka dhacay Somaliland, kaddib in xaaladdu ay u muuqato in ay degtay, taasoo loo arko horumar wanaagsan.
Fidan wuxuu carrabka ku adkeeyay in Türkiga ay la shaqeynaayo dowladda Soomaaliya si loo la dagaallamo kooxaha xagjirka ah sida Al-shabaab, wuxuuna rajo ka muujiyay in arrintaas la xallin doono mustaqbalka dhow.
Marka la eego heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, Fidan wuxuu ku tilmaamay guul iyo tusaale wanaagsan oo muujinaya sida dalalka Afrika ay mas’uuliyad uga qaadanayaan xalinta mashaakilaadkooda.
Ugudambeyntii, wuxuu amaanay heshiiskii Ankara ee dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ku sifeeyay mid muhiim ah oo muujinaya awoodda dalalka Afrika ay u leeyihiin inay xalliyaan caqabadahooda iyagoo helaya taageero dibadda ah.