SO | EN

SO | EN

Wasiir Fiqi oo kahadlay khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland

|

Muqdisho (Kaab TV) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda dhexe iyo Puntland, kaaso oo gaaray meesha ugu sareyso, kadib heshiiskii dhawaan kasoo baxay shirkii golaha Wadatashiga Qaranka.

“Ma u maleynaayo inay caqli tahay aniga doorasho ayaan qabsanaa, inta kalena doorasho uma ogoli, uma maleynayo inuu qof ku talinayo” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Puntland aysan jirin meel fog, isla-markaana ay qayb ka tahay maamulka dowladda federaalka Soomaaliya.

“Madaxweynaha Puntland marka ay doorashada u dhammaatay wuu hadlay wuxuu yiri dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa inay doorashadaan oo kale ay qabtaan intiibaa la gaaray” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in doorashada lagu heshiiyay ay tahay middii uu Saciid Deni ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kadib markii guul ay ka sheegtay Puntland.

Khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland ayaa kasii daraya marba marka ka dambeysa oo soo billowday, kadib magacaabidii R/Wasaare Xamze Cabdi Bare.

Hadalkan ayaa imaanaayo, xili ay Puntland  iska diiday go’aanaddii kasoo baxay shirkii  Golaha Wadatashiga ee doorashada qof iyo cod ka ah.

Hasayeeshee go’aankii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ayaa waxaa ka falceliyay siyaasiyiin kala duwan ayagoo si cad udiiday heshiiskii golaha wadatashiga qaran.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News