SO | EN

SO | EN

Wasiir Jaamac oo isku dayay qarinta xogta weerarkii xerada Jaalle Siyaad

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Wasiirka Gaashaandiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta hortagay Golaha Shacabka ayaa  lagu qasbay inuu ka jawaabo su’aalaha weerarkii xerada ciidamada ee Jaalle Siyaad  ee dhacay 24kii bishan July.

Wasiirka ayaa sheegay iney baaritaano socdaan, saraakiilna weerarkaasi ay u xiran yihiin. Wuxuu ka meer-meeray ka hadalka xogta dhabta ah ee dhacdada ee illaa hadda bannaanka u soo baxday.

Kulanka Baarlamaanka ee Wasiirka lagu weydiiyay su’aalaha ayaa yimid iyadoo maanta Golaha Shacabka ay ka doodayeen Hidise sharciyeedka aas aasida ciidanka  heeganka Bariga Afrika.

Su’aallo  Golaha  shacabka ay waydiiyeen Wasiirka weerarkii xerada ciidamada 14 Oktoobar ee Kulliyadda Jaalle Siyaad  ayuu markii hore ka gaabsaday Wasiirka Gaashaandhiga inuu ka jawaab celin waayo , hase ahaatee markii dambe lagu qasbay .

Buuq badan ayaa ka dhashay marki hore in Wasiirka uu ka hadlo weerarkaas oo ay ku dhinteen, in ka badan 40 ka mid ah askarta guutada 14 Oktoobar ayna ku dhaawacmeen 73 kale.

Wasiir Jaamac oo ka waramaya weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Al-Shabaab ay ku qarxiyeen ciidanka ku jiray safka ayaa yiri “Arrinta dhacdada Jaalle Siyaad baaritaan ayaa socda saraakiil ayaa u xiran.”

Al Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah 24kii bishan ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad ay ku jireeen ciidamo katirsan guutada 14-ka October oo laga keenay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana weerarkaasi ku dhintay askar aad u badan.

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News