Garoowe (KAAB TV) – Puntland ayaa si cad uga hor timid go’aan kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in qaadashada baasaboorka lagu xiro shuruud ah in qofka uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka, Puntland ayaa ku tilmaantay arrintaasi ciqaab iyo cadaadis lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa si adag uga hadlay arrintan isaga oo sheegay in baasaboorka Soomaaliga lagu tilmaamay kan ugu liita dunida dhinaca socdaalka, haddana dadkiisa lagu ciqaabayo shuruudo adag taasoo uu ku tilmaamay shar iyo caddaalad darro ka dhalata marka taladu gacan keliya gasho.
“Baasaboorka ugu liita adduunka xagga socdaalka baa dadkiisa ciqaab iyo shar looga dhigayaa; marka taladu gacan keli ah gasho waxay noqotaa shar.” ayuu yiri Wasiir Juxaa.
Dhanka kale, Puntland waxay hore ugu digtay shacabkeeda inay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka iyagoo maamulkaasi sheegay in nidaamka lagu fulinayo arrimo siyaasadeed iyo dano gaar ah oo aan lagu dhisin wadatashi iyo heshiis qaran Walaaca Puntland ayaa salka ku haya in nidaamka cusub loo adeegsado siyaasadeyn oo ugu horeeyaan arrimaha doorashooyinka.
Sikastaba, hadalkan ayaa imaanaya xili shalay wasaaradda ammniga gudaha iyo hay’adda aqoonsiga ee Nira ay soo saareen warsaxaafadeed ay ku sheegeen, marka lagaaro 1-da janaayo 2026 qofka oo usafraya dalka gudihiisa looga baahan doono in uu qaato kaarka aqoonsiga Nira, sidoo kale marka lagaaro bisha september 2025, qofka oo baasaboor dalbanaya laga rabo kaarka aqoonsiga hay’adda Nira.

