SO | EN

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo qaaday tallaabo cajiib ah oo ka gedisan go’aankii DF

|

Muqdisho (KaabTV) – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta hal tan oo kalluun ah ku wareejisay wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa.

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ayaa tallaabadan u qaaday si loo sii dhiiri-geliyo ciidankeenna, islamarkaana ka gedisan go’aankii Golaha Wasiiradda ee ahaa in wasaaradaha ay laba neef oo geel ah ugu deeqdo ciidamada, si loogu dhiiri-geliyo howsha adag ee u hayaan bulshada.

“Waa fulineyna go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiiradda in la keeno laba geel laakiin anaga maanta waa bedelnay ka wasaarad ahaan, waxaana ku bedelnay Kalluun ama Mallaay, oo maanta ugu deeqnay ciidamada dalka oo dadaal aad u wanaagsan u haya dalka,” ayey tiri Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Maxamed Cali Xagaa ayaa uga mahad-celiyey deeqda wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay soo gaarsiisay taliska qaybta guud Booliska gobolka Banaadir.

Hasayeeshee, Wasaaradaha dowladda federaalka ayaa toddobaadyadii dambe waxay taliska Booliska Soomaaliyeed ku wareejinayeen neefaf Geel ah oo lagu dhiiri-gelinayo ciidanka, iyada oo laga duulayo go’aankii xukuumadda ee ahaa inay wasaaraduhu taageeraan ciidamada qaranka ee har iyo habeen u taagan difaaca dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News