MUQDISHO (KAAB TV) – Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in gaadiidka loogu deeqo dowladda ay mas’uuliyiinta dowladda ku takrifalaan, marka ay jajabaanna lagu tuuro garaashyada.
Wuxuu sheegay in maanta afar baabuur oo Wasaaradda Beeraha ay leedahay la dayactiray oo lagu dayactiray lacag ay bixisay hay’adda FAO.
Wuxuu sheegay in ay tahay in lala xisaabtamo dadka ku takrifala gawaarida dowladda, lagana qaado tallaabo sharci.
Wasiir Maareeye ayaa bayaamiyay in Wasaaradda Beeraha oo kaliya aysan ahayn meelaha ay dhibaatadan ka taagan tahay, ee ay tahay dhammaan hay’adaha dowladda oo ay ka taagan tahay dhibaatadan ku takrifalka hantida dowladda loo siiyo sadaqo ahaan.