Muqdisho (KAAB TV) – Guddiga garsoorka arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa xarunta Villa Hargeysa kulan kula yeeshay Wasiir Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Sidoo kale, kulankan ayaa waxaa su’aalo lagu weydiinaayay Wasiir Roobow isaga oo wax laga weydiiyay arrimaha Xajka iyo cabashooyinka kasoo laalaabta.
Dhanka kale, Mukhtaar Roobow ayaa su’aalihii laga weydiiyay arrimaha Xajka iyo cabashooyinka kasoo laab laabtay kaga jawaabay iney meel fcn marayaan hada isagoona kudaray in xitaa dhismaha Wasaaradda iyo furitaanka machadka isbaheysiga.
Ugudambeyntii, kulanka kadib ayaa waxa lagu heshiiyay in laxoojiyo wadashaqeynta guddiga garsoorka iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.