SO | EN

SO | EN

Wasiir Roobow oo kulan laqaatay Taliyaha ciidanka xoogga Jen. Ibraahim Sheekh

|

Muqdisho (KAAB TV) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabiley taliyaha ciidanka xoogga Dalka Jen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo saraakil kale oo ka tirsan taliska guud ee ciidanka Xoogaa Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiir Roobow iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa kulankooda uga wada hadlay dardar-gelinta howgalada lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab ee hadda si xoog leh uga socda qeybo badan oo kamid ah dalka.

Dhanka kale, kulanka  ayaa lagu xusey doorka culumaa’udiinka Soomaaliyeed ay ka qaateen la dagaallanka Al Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa kulamada lagu wacyigelinayo laguna dhiira gelinayo ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada difaaca ee shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mukhtaar Roobow ayaa boggaadiyay guulaha ciidanka ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay, waxa uuna ballan-qaaday in wasaaradiisa door muhiim ah ka qaadan doonto la daggaallanka Al Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News