Dhusamareb(KAAB TV) – Magaalada Dhuusomareeb waxaa ka furmay shir u dhaxeeya Wasiirada Amniga Gudaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo Taliska Booliska, kaasi oo looga hadlayo arrimaha ammaanka, xilli ay weli socoto ka bixitaanka Ciidamada ATMIS-ta.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil Farataag ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu socon doono muddo labo maalmood ah uu yahay sidii loo xoojin lahaa Ciidamada Booliska heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
“Wada-shaqeynta Wasaaradaha Amniga iyo Talisyada Booliska ee labada Heer waa muhiim si looga midho dhaliyo himilooyinka Amniga Qaranka, Qorshaha Istiraatiijiyadda Amniga Gudaha, gaar ahaan marka uu baxo ATMIS-ka, waxaa looga gol leeyahay in laga soo saaro natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya amniga iyo nabadda. Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Farataag.
Tan iyo bilowgii sanadka 2023, booliska ATMIS waxa uu si guul ah u tababaray 1,101 askari oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku kala baahsan dalka oo dhan, kuwaas oo ay ku jiraan 193 haween ah.
Si kastaba ha ahaatee, Bishii lasoo dhaafay ee Janaayo, Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee ATMIS ayaa sheegay inay Dowladda Somalia ku wareejiyeen Sagaal Saldhig oo Millateri, taasi oo ka dhigan inuu dhamaaday Wajigii labaad ee Ciiddanka ka jooga dalka.