Muqdisho (Kaab TV) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Wasiirada maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.
Shirkaan waxaa si ramsi ah u furay Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, wuxuuna sheegay in shirkaan ay xoogga ku saari doonaan arrimaha mideynta canshuuraha iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa Hey’addaha maaliyadda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi waxaa furitaanka shirkaan waxaa ku wehlinaayay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Janaqow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdiqafaar Xaange, waxaana diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta hannaanka maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, deyn Cafinta iyo qeybsiga deeqaha Maaliyadeed ee laga helo saaxiibada caalamka.
Shirkaan ayaa inta uu socdo sidoo kale waxaa looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka iyo Hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay dalka ka waddaan.
ugu dambeyn, Shirkaan wuxuu socon doona mundo 3 maalmood ah ayaa la filaa in laga soo saaro War-Murtiyeed wadajir ah.