SO | EN

SO | EN

Wasiiradda Haweenka Khadiijo Almaqzuumi oo xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Qatar ee Soomaaliya

|

Muqdisho (KAAB TV) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya  Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiskeeda kusoo dhaweysay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho Amb Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi, waxaana ay wasiirka iyo Safiirka kawada hadleen hawlaha hor yaala Wasaaradda, gaar ahaanna dhinacyada Xuquuqul Insaanka iyo hormarinta Qoyska.

Danjire Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Qosyaka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ku bogaadiyey dardarta shaqo ee ay la timid mudada kooban ee ay Wasaaradda hogaamineyso, waxaana uu ballan qaaday iney la shaqeyn doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka ka hadashay ayaa uga mahad celisay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho booqashadiisa iyo ballan qaadkooda wada shaqeyneyd waxaana ay faah faahin ka siisay hawlaha hortebinta u leh Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Isnaanka XFS.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News