SO | EN

SO | EN

Wasiiradda Isra’iil oo isku fahmi waayay qaabkii looga jawaabi lahaa weerarkii Iran kuqaaday Isra’iil

|

Tel Viv (KAAB TV) – Golaha Wasiirradda Isra’il ayaa si weyn ugu kala qaybsamay sida ugu habbboon ee looga jawaabi karo weerarkii gantaallada ee labo casho ka hor Iran ku beegsatay Isra’il, kaas oo jawaab u ahaa duqeyn loo geystey qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.

Sidoo kale, Xukumaadda Isra’il ayaa muddo 24 saac godahood ah markii labaad kulmay ayaa isla qaadan waayey go’aan mid ah oo la xiriira goorta iyo qaabka loo fulinayo weerar aargoosi ah oo lagu qaado Iran.

Dhanka kale, Warbaahinta gudaha Isra’il ayaa laga soo xigtey in Xukuumada R/Wasaare Benjamin Netanyahu ay dooneyso in ay Iran wareerto, iyadoon la geysan karo  khasaari sababi karta dagaal toos ah, taas oo loo fasirtay weerar kooban oo lagu beegsanayo goobo cayiman oo Iran ku yaal.

Laakiin waxaa lagu kala qaybsamay sida loola tacaalayo jawaab celinta ka dhalan karta oo aysan Isra’il keligeed u babac dhigi karin, madaama Mareykanku oo si weyn ugu soo horjeedo weerar qar-iska-xoornimo ah oo xilligan Iran lagu qaado.

Saraakiisha Mareykanka ayaa si cad ugu sheegay Isra’il in uusan qayb ka noqon doonin colka uu Netanyahu doonaayo.

Hoggaamiyaha mucaaradka Isra’il Yair Lapid ayaa R/Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyey in uu lumiyey muunaddii makaraanimo ee Isra’il looga meermeeri jirey. Netanyahu ayaa goor dambe sir ugu yeeray madaxda mucaaardka, balse dadka la wacay laguma soo darin Lapid.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News