SO | EN

SO | EN

Wasiirka ammniga gudaha Somaliland oo kulan laqaatay safiirka Itoobiya ujooga Hargeysa

|

Hargeysa (KAAB TV) – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab, ayaa kulan gaar ah la qaatay wakiilka, safiirka u dhigma ee  dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa  Ambassador Teshome Shunde Hamito.

Sidoo kale, Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo wakiilka Itoobiya u jooga Somaliland, ayaa isbarasho kaddib looga hadlay xariirka labada dhinac ka dhaxeeya iyo sidii loo xoojin lahaa, waxa ay sidoo kale kawada hadleen arrimaha ammaanka xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Somaliland, ayaa sidoo kale kala hadlay wakiilka Itoobiya, dagaal dad badan ku dhinteen oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday deegaanka Docoley ee katirsan dowlad deegaanka, kaa oo u dhaxeeyay maleeshiyaad  kasoo jeeda Somaliland iy kuwa kale ee dowlad deegaanka kasoo jeeda.

Sikastaba, maamulka Somaliland, ayaa xiriir dhow waxa uu kala dhaxeeyaa dowladda Federaalka ee Itoobiya, lamana oga waxa maamulka cusub ee hadda la wareegay talada Somaliland ka beddeli doonaan xiriirkan Itoobiya kala dhaxeeya iyo heshiisayadii ay horey ula galeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News