Gedo (KAAB TV) – Wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo ku sugan magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo oo goor sii horeysay lahadlay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamul Jubbaland.
Wasiir Yuusuf Dhuumaal ayaa ugu horeyntii ka hadlay wararka sheegaya inuu isku dhiibayo dowladda federaalka, kadib markii ay soo baxday in la hareeyay, wuxuuna meesha ka saaray wararkaasi oo uu tilmaamay inay faafiyeen dad dano gaar ah wata.
Sidoo mkale, wasiir Dhuumaal ayaa xiisadda siyaasadeed ee Jubbaland iyo DF, hoos udhigay wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed aan laga xigin, isagana uu yahay mas’uul qaranka u shaqeynaya oo gobolka jooga.
“Dhuumaal waa la hareereeyey Wasiir Dhuumaal waa isdhiibayaa, dadka Soomaaliyeed dowladnimadooda waa xijisanayaan eyguna waa iska ciyayayaa waa kuwii oo weliba Facebook helay, sabab aan isku dhiibaayo maxey tahay, Qarankii anigaa ah gobolkanna anigaa ka soo jeeda,” ayuu yiri Wasiir Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal).
Dhanka kale, hadalkan kasoo yeeray Wasiir Dhuumaal waxaa ka horeeyay hadal uu ka jeediyay gudaha magaalada Kismaayo, kaas oo uu ugu jawaabayay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isaga oo markaas ka horyimid tallaabooyinka dowladda ee Jubbaland.
Sikastaba, hadalka wasiirka ayaa kusoo aadayo, xilli ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ee ka dhalatay dib u doorashadii Axmed Madoobe.