SO | EN

SO | EN

Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Amniga Oo Sii Xumaaya Xili qorshaha uu yahay in ciidamada ATMIS ay baxayaan.

|

KISMAYO (KAAB TV)  Wasiirka Amniga Jubbaland General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa walaac ka muujiyay xaalada amni ee maamulkaasi, hadii ay dhacdo in Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee ka hawlgala Jubbaland laga saaro.

Dhuumaal ayaa intii uu ku guda jiray socdaalka uu ku marayay qeybo ka mid ah gobolka Gedo waxa uu ku nuux nuuxsaday in ay muhiim tahay in la helo ciidamo ku filan oo suga amniga si ay u sugaan amaanka gobolka.

“Hadda waxaan wadnaa qorshooyin aan ku bedelayno ATMIS, waxaana u baahannahay taageerada shacabka iyo dowladda dhexe si aan isaga kaashanno dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaannada Jubbaland,” ayuu yiri Dhuumaal. Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo ciidamada Kenya iyo Itoobiya oo si gaar ah uga howlgala gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ay u wareejiyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen gobolladaas, taasoo qayb ka ah qorshaha la doonayo in ciidamada ATMIS-ka looga saaro dalka dhammaadka 2024-ka.

Ka bixitaanka ciidamada ATMIS ayaa caqabad weyn ku ah amniga Jubbaland, maadaama gobolkaasi uu ahaa mid ay ka dhaceen dagaalo iyo qalalaaso ay sababeen Al-Shabaab.

Guusha laga gaaray qorshaha lagu bedelayo ATMIS oo lagu bedelayo ciidamo amni oo ku filan ayaa muhiim u ah ilaalinta nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Dhawaaqa ka soo yeeray Dhuumaal ee ku aadan wadashaqeynta shacabka iyo dowladda dhexe ayaa muujineysa muhiimadda ay leedahay in hal meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagixisada.

Taageerada dadka deegaanka iyo dowladda dhexe ayaa lagama maarmaan u ah xaqiijinta waxtarka ciidamada amniga ee la dagaalanka Al-Shabaab iyo ilaalinta nabadda gobolka.

Ugu danbeeyn, Wasiirka Amniga Jubbaland walaaca uu ka qabo xaaladda amni haddii ay dhacdo in ciidamada ATMIS-ta laga saaro ayaa ah mid salka ku haya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News