Tel Aviv (KAAB TV) – Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon, ayaa markii ugu horreysay sheegay in kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya inay khatar ku tahay Israa’iil, isagoo markaa tilmaamay inay hadda kooxdan xiriir la leedahay Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran, inta uu ku jiray shir jaraa’iid oo ay wada-jir ugu qabteen magaalada Qudus, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya,Gedion Timotheos oo Arbacadii shalay booqasho ku tagay Israa’iil.
Sidoo kale, Wasiir Gideon Sa’ar wuxuu intaas ku daray in Itoobiya door muhiim ah ka qaadanayso la-dagaallanka kooxda Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya, oo ay dhankooda garab taaganyihiin, markaa, isagoona xusay inay muhiimad leedahay ciribtirka ururrada Alshabaab, Xuutiyiinta, Xamaas iyo wax uu ku sheegay jihaadiyiinta Suuriya Waxaa kaloo uu sheegay inuu booqan doono Addis Ababa, si loo xoojiyo iskaashiga amni ee lagu xaqiijinayo xasilloonida badda cas iyo la-dagaallanka kooxaha uu ku tilmaamay ururro argagixiso.
Israa’iil ayaa mar kale muujineysa sida ay Itoobiya ugu arkaan xulafo muhiim ah oo ay tahay inay soo gasho badda cas, si ay door ugu yeelato la-dagaallanka Xuutiyiinta ,malahan Itoobiya bad, laakin Israa’iil oo aan wax kalsooni ah ku qabin dalalka ku xeeran badda cas, ayaa doonaysa hannaan kasta oo ay ku qaadato inay Itoobiya gaarto badda cas, dhaqdhaqaaqyada gobolka ay ka wado iyo ku dhawaaqista Itoobiya ee inay tahay lagama maarmaan inay Itoobiya hesho marin badda cas ah ayaa lagu sheegay qorshe ay dejisay Israa’iil oo ay ku soconayo Itoobiya si ay u fuliso .
Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ee Isra’iil ayaa ku soo aadday xilli ay xiisad ka jirto gudaha Itoobiya iyo dhaqdhaqaaq ka imaanaya dhinaca Ereteriya , wuxuuna muujiyay kulankan inay xukuumadda Abiy ee Itoobiya doonayso taageerro caalami ah, halka doorka la-dagaallanka AS ee dawladda Soomaaliya ay siisay Itoobiya, oo hadda u noqonayo Addis Ababa ajande ay ku raadinayso taageerro caalami ah.