DOOXA(KAAB TV) –Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar oo uu kaga qeybgalayo shir-wadaagga gogol-xaarka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka,
Shirkan oo ah mid deg deg ah oo aan caadi aheyn ayuu ujeedkiisu daaranyahay isku-duwidda mowqifyada iyo dejinta ajandaha shir-madaxeedka deg-degga ah ee madaxda iyo hoggaamiyeyaasha carbeed ay iskugu imaanayaan oo lagaga hadlayo duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay Qatar.
Kulanka wasiirada, oo furmaya Axadda manta ah, ayaa lagu diyaarin doonaa war-murtiyeedka shirka, loona gudbin doonaa shir-madaxeedka si loo meel-mariyo, iyadoo doodaha ay diiradda saari doonaan saameynta siyaasadeed iyo midda amni ee xiisadda ka taagan gobolka.
Shir-madaxeedka deg-degga ah, oo la qorsheeyay inuu qabsoomo maalinta Isniinta, ayaa isku keeni doona madaxda iyo hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka si ay ugu muujiyaan isbahaysi iyo garab-istaag dhammaystiran dadka iyo dowladda Qatar, lagulana tacaalo walaaca heer goboleed ee ka dhashay weerarrada.
Waxaa shir madaxeedka Somalia uga qeyb galaya madaxweynaha Somalia Xassan sheikh Maxamuud oo ku wajahan magaalada Doha.

