SO | EN

SO | EN

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Danjire James Swan

|

Muqdisho (KAAB TV) -Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Faderaaka Soomaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Caydaruus Xasan ayaa waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo ka wada shaqeynta howlaha hortabinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya.

kulanka ayaa Sidoo kale looga hadlay dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee xasilinta, dib u heshiisiinta, doorashooyinka iyo baahinta adeegyada dowliga ah.

kulankan ayaa ku soo aadaya xilli la sugayo qabsoomiadda gogosha wadatashi ee uu madaxwayne Xasan Sheekh ku dhawaaqay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News