Muqdisho (KAAB TV)Wasiirka Beeraha Somalia ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyiinta DFS lagu amray; in qof walba wax uu cuno raadsado, isla markaasna aysan jirin caawimo danbe oo caalamka ka imanaysa.
“Ama Badda gala ama beeraha fasha Soomaaliyey, caawimo danbe oo caalam ma jirto.” Wasiir Xayir Maareeye oo ilaa Carta ahaa mas’uul DFS.
Soomaaliya waxa ay gashay Waqti kala guur ah oo lagu wajahayo Doorashooyinka Baarlamaanka & Madaxtooyada oo Jadwalka habraaca loo marayo la soo saaray shalay kulan ka dhacay magaalada muqdisho.
Arintaan ayaa fadeexad ku ah madaxda dowlada soomaaliya maadaama soomaaliya lagu wado in ay ka dhacdo doorasho inkaastoo ay jiraan culeeyso siyaasadeed..

