HARGEYSA (KAAB TV) – Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Marwo Nafiisa Maxamuud Shirwac, ayaa kormeer ay ugu kuurgalayaan ku tagey wakaaladaha biyaha ee magaalooyinka Wajaale iyo Gabiley.
Masuuliyiintan ayaa kulamo kala duwan la qaatay agaasimayaasha waaxyaha Wakaaladaha ee magaalooyinka Gabiley iyo Tog-wajaale, waxaaney warbixin la xidhiidha adeeg-bixinta wakaaladdaasi biyood ka dhageysteen masuuliyiintaasi, waxaaney sheegeen in shaqada ay bulshada iyo Qarankaba u hayaan ay sificiin u socoto.
Geesta kale wasiirk iyo agaasimaha guud ee wasaaradda biyaha Somaliland, ayaa sheegay in mashaariico kala duwan oo dhinaca biyaha ah laga hirgeliyay magaalooyinka Tog-wajaale iyo Gabiley, waxaaney fareen masuuliyiinta wakaaladaha biyaha in biyo ku filan oo nadiifa ay siiyaan dadka.
Gaba-gabadii Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Marwo Nafiisa Maxamuud Shirwac, ayaa boggaadiyay masuuliyiinta wakaaladaha biyaha ee Tog-wajaale iyo Gabiley, waxaaney ku amaaneen sida hufnaanta leh ee ay bulshada ugu adeegayaan.