Ankara (KAAB TV) – Wasiirka cadaalada dalka Turkiga ayaa munaasabad uu ka qeyb galay kasheegay in maalmaa soosocdo maxkamad lasoo taagi doono Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa intaasi kusii daray in uu kulamo laqaatay hay’addaha garsoorka Somalia wuxuuna yiri waxaa suurtigal ah in maalmaha soo aadan uu Turkiga yimaado Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uuna ka qqeyb galo dacwada maxkamadda.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa shaaca kaqaaday in warbixinta ee baaritaanka lagu ogaaday in uu qalad leeyahay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale wasiirka ayaa intaasi kusiii daray in warbixintii hore iyo warbixinta hada uu farqi weyn udhexeeyo iyadoo tii dambe ey qeyb ka aheyd sheybaarka.
Xasan Sheekh ayaa wareysi uu bixiyay kusheegay in wiilkiisa uusan baxsan balse shaqo u u aaday wadanka dibadiisa isagoona intaasi kudaray “waan lahadlay waxaan kudhahay kulaabo Turkiga si aad maxkamada uwajahdo” ayuu kuyiri wareysigiisa madaxweynaha.
Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud”ninka mootada ay si lama filaan ah dhinac midig ugu leexatay isaga oo aan shidin wax calaamad ah, darawalku ma uusan wadan koofiyad”.