SO | EN

SO | EN

Wasiirka Difaaca XFS oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Masar

|

Muqdisho (KAAB TV) -Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Al-Said Ahmed Al-Baz, iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Masar.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah looga hadlay kaalinta Masar ay ku leedahay howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyo sidii loo dardargelin dagaalka AS.

Wasiir Axmed Moallim Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda xiriirka milatari ee labada dal u leeyahay xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Safiirka iyo Saraakiisha kale ee Masar ayaa sheegay in ay ka go’anthay sidii Soomaaliya kala shaqeyn lahaayeen howlgallada ka dhanka ah AS iyo dardar galintooda.

Kulanka labada mas’uul ayaa ku soo aadaya xilli Masar ay qeyb ka tahay howlgalka AUSSOM ee sanadkan billaawday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News