MUQDISHO (KAAB TV) – Dowladda Soomaaliya uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda wada guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo wali maamusho deegaanno iyo degmooyin badan oo dalka katirsan.
Waxaase jira eedeymo culus oo ku aaddan isku milanka Al-Shabaab iyo saraakiil sare oo dowladda ka tirsan, iyadoo dhanka kale la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay sii awoodeysatay tan iyo intii uu Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo dowladdii horena lasoo shaqeeyay ayaa sheegay in Al-Shabaab shantii sanno ee dowladdii Farmaajo jirtay la siiyay fursad weyn oo ay dhaqaale ku urursadaan, iskuna diyaariyaan.
Wasiirka oo la hadlayey Baarlamaanka Federaalka Aqalkiisa Hoose, ayaa sheegay in Al Shabaab shantii sanno ee dowladdii hore u suurto gashay in dekadda Muqdisho kala soo degaan qaraxyo ,sidoo kale dalka soo galiyeen ajaaniibtii ugu badneyd, waxa uu sidoo kale xusay in Al-Shabaab waqtigaasi dhallinyaro badan maskaxda ka xadeen.
”Waxaan la tacaaleynaa urur argagixiso oo fursad loo siiyey muddo 5 sano ah iney is diyaariyaan, dhaqaalo aruursadaan, maadooyinka qarxa dekadaha kala soo degaan, kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed maskaxda ka dhaqaan, ajaanibtii ugu badneyd dalka soo geliyaan, la soo degaan hubka noocyadiisa kala duwan” ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab shantii sanno ee lasoo dhaafay gashay kalsooni ah in dalka dhan ay qabsan karaan.
Wuxuu sheegay in haddii Al-Shabaab waqtigaasi dagaal lala gali lahaa in xaalka maanta sidaan ahaadeen.
Inkastoo Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo ay dhowr jeer ku dhawaaqday hawlgallo ciidan, ayna jirtay duqeyn dhanka cirka ah oo uu geysanayey Mareykanka haddana ma jirin dagaal toos ah oo dowladdu ku qaadday Al-Shabaab.
Wasiir Jaamac oo laftiisu horey uga tirsanaan jiray kooxihii Maxkamadaha Islaamiga iyo ururkii Xisbul Islaam ee la midoobay Al-Shabaab ayaa ka mid ahaa hoggaanka hay’adda nabadsugida ee NISA iyo Wasaaradda Gaashaandhigga oo uu wasiir kasoo noqday.
Edeymahan culus ee ah inay dowladdu fursad siisay Al-Shabaab ayaa noqon kara kuwo Wasiir Jaamac laf ahaantiisa wax laga weydiin karo.