SO | EN

SO | EN

Wasiirka Gaashaandhigga DF oo sheegay in Jubbaland qaadeyso mas’uuliyada isku dhac dhexmara labada ciidan ee isku hor fadhiya Raaskambooni

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday maanta in aysan marnaba weerar ku eheen maamulka Jubbaland, islamarkaana ay ciidamada u geysay Gedo si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Jubbaland ay siyaasadeyso ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in sawir khaldan lagu lifaaqayo ciidanka marka lagu tilmaamo kuwo burburinaya jiritaanka maamulkaasi.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Jubbaland ay qaadi doonto masuuliyadda isku dhac dhex-mara ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Jubbada Hoose, xilli Axmed Madoobe uu diyaarinayo in dagaal looga hortago ciidanka dowladda federaalka geysay halkaasi.

“Ciidamada la geeyay Raaskambooni waa ciidamada Danab, waxayna ka shaqeynayaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Ciddii xabbad kala hortimaada ayaa qaadi doonta masuuliyadda,” ayuu wasiir Jaamac.

Dhanka kale,  wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay ku xoojisay dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ciidamo gaaraya illaa kun askari, kuwaas oo loo diray aagga Raaskambooni.

“Ciidamada dowladda marnaba duulaan kuma aheyn Jubbaland, balse wuxuu ujeedkoodu yahay in ay cirib-tiraan kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri wasiirka oo carabka ku adkeeyay in ciidamadan ay yihiin kuwa guulaha waaweyn ka gaaray dagaalladii Buulo Xaaji ee lagu jabiyay Shabaab-ka.

Siyaasadaha isdiidan ee dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyadoo laga cabsi qabo inay isku badasho dagaal toos ah, maadaama ciidamo taabacsan labada dhinac ay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News