MUQDISHO (KAAB TV) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa eedeymo culus u soo jeediyay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac.
Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ah xoghayaha xisbiga Himilo Qaran oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay wasiirka inuu hore uga tirsanaa kooxaha argagixisada, isagoo aan dembiyadiisa lagula xisaabtamin loo dhiibay xilka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Xildhibaanka ayaa ka hadlay weeraro tiro badan oo kooxaha argagixisadu ku soo qaadeen ciidamada dowladda, isagoo sheegay in weerarada qaar uu goobjoog ahaa wasiirka uuna kasoo cararay ciidanka. “Weerarkii Ceel La Helay wasiirka waa loo sheegay, wuxuuna yiri markay nasoo weeraraan ayaan iska difaacaynaa, markuu weerarku bilowday ayuu ka soo cararay,” ayuu yiri Xil. Yuusuf Gama’diid.
Xildhibaan Gama’diid ayaa hoosta ka xariiqay inay mudan tahay in la baaro raashiinka ciidanka ee la xaday, iyo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaray ciidamada.
Xildhibaanku wuxuu u soo jeediyay madaxweynaha inuu keeno wasiir garanaya shaqada.
Mar uu ka hadlayay hadal uu shalay wasiirku ugu jawaabayay madaxweynihii hore, wuxuu Xildhibaan Gama’diid ku tilmaamay wasiirka gaashaandhigga mid “doqon ah oo aan garaneyn doqonnimadiisa”.