SO | EN

SO | EN

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ku baaqay in la weeraro Somaliland

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Tan iyo markii ay Somaliland heshey aqoonsiga dowladda Israel, waxaa sii kordhaayay baaqyada ku saleysan duulaanka iyo rabshadda ee ka imaanayay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo xalay 10ka Jannaayo wareysi siiyay qeybta Carabiga ee TV-ga Al-Jazeera Mubasher ayaa ugu baaqay dowladda Sacuudi Carabiya inay weerar la mid ah kii lagu qaaday magaalada Mukalla ee Yemen, lagu qaado Somaliland.

“Waxaan ka dalbanaynaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya inay si buuxda u soo faragaliso maamulka Somaliland si la mid ah sidii lagu sameeyay Caydaruus Al-Subaydi ee Yemen,” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi oo la weydiiyay in Caydaruus Al-Subaydi uu dhowaan soo maray Muqdisho markii uu ka soo baxsaday Yemen, wuxuu ku gaabsaday in baaritaan lagu sameyn doono arrinkaasi.

Hoggaamiyaha Golaha Maamulka Koonfurta Yemen Caydaruus Al-Subaydi  ayaa toddobaadkii hore u baxsay dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii ciidankiisii lagaga awood batay dagaalka Yemen halkaas oo maleeshiyaadka ay Sacuudiga taageeraan oo xiriir la leh kooxda Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto ay la wareegeen magaalada Mukalla oo xarun u ahayd Caydaruus Al-Subaydi.

Fiqi ayaa aad u laba jibbaaray hanjabaadda ka dhanka ah Somaliland, iyadoo ay jiraan warar muujinaya in xukuumadda Muqdisho oo kaashanaysa China ay waddo qorshe abaabul iyo kicin ah looga sameynaayo gudaha Somaliland si loo carqaladeeyo aqoonsiga Somaliland ee Israel.

HANJABAADDII XERADA CIIDANKA

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo Arbacadii [7 Jannaayo 2026] ka hadlay xerada tababarka ee Turkiga ka dhisay Muqdisho, ayaa sheegay in ciidamada ay u dyaargaroobaan duullaan uu sheegay in kagu soo qaban doono Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro.

Fiqi ayaa madaxweyne Cirro ku sifeeyay “munaafaq cadaw ah”.

“Kuwo cadaw ah ayaa Yuhuud noo keenay. Kuwaas cadawga waxaa noo gacan qabtay Al-Shabaab. Waxaan rabnaa ciidankaas awooddiisu waa cir, dhul iyo bad-ba inuu soo xiro,” ayuu yiri Wasiir Fiqi oo ka hadlay munaasabadda qalinjabinta ciidan cusub oo ka mid ah guutada Gorgor ee ay Turkida tababareen.

“Ciidankaan iyo dhammaan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaan la hadlayaa: Munaafiqiinta nagu dhex jira haddaan ka takhalusin maalin kasta cadaw dibadda ah ayay noogu yeeranayaan,” ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlaayay aqoonsiga dowladda Israel ay aqoonsatay Somaliland.

“Waa munaafaqa Cirro uu ugu horreeyo,” ayuu ku sii daray hadalkiisa.

Waxaa goobta ku sugnaa Safiirka Turkiga ee Muqdisho Alper Aktaş iyo Taliyaha Ciidamada Soomaaliya, General Odowaa Yuusuf Raage.
Waxaa goobta ku sugnaa Safiirka Turkiga ee Muqdisho Alper Aktaş iyo Taliyaha Ciidamada Soomaaliya, General Odowaa Yuusuf Raage.

Waxaa goobta ku sugnaa Safiirka Turkiga ee Muqdisho Alper Aktaş iyo Taliyaha Ciidamada Soomaaliya, General Odowaa Yuusuf Raage.

Fiqi ayaa u mahadceloyay Turkida oo uu sheegay inay xerada ciidankaasi ka dhiseen Muqdisho, ayna hadda kasoo bexeen ururkii 20naad.

Ciidanka Gorgor ee hadda uu tababaro Turkey ayaa lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana saraakiil hore ugu jirtay oo ka baxsatay ay sidoo kale ku eedeeyeen in habka xulidda askarta loo qaato tababarka ay ku saleysan qabiil, iyadoo loo qaato qabiilo gooni ah, sida ay ilaha saraakiisha ee Gorgor ku jirtay ay xaqiijiyeen.

Israel ayaa aqoonsatay Somaliland 26kii Disembar, waxaana 6dii Jannaayo magaalada Hargeysa safar booqasho rasmi ah ku tagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Sa’ar.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka carootay tallaabadaasi, kuna tilmaantay xadgudub.

Xukuumadda Soomaaliya oo fadhigeedu yahay Muqdisho ayaan wax saameyn ah ku lahayn Somaliland oo muddo ka badan 30 sano haysatay maamulkeeda gaarka ah isla markaana hirgalisay doorashooyin dimuqraadi ah, lacag u gaar ah, ciidan, iyo dowlad leh golayaasha kala duwan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News