SO | EN

SO | EN

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la sheegay in kooxo argagaxiso ka tirsanaan jiray

|

GAROWE (KAAB TV) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi kooban bixiyay ayaa ku eedeeyay wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi in uu kamid ahaan jiray Argagixisadii kala danbeeyay ee Maxaakiinta iyo kooxda argagixisada ee Shabaab

Falcelintan ayaa timid kaddib markii wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi uu ku tilmaamay labada wasiir oo ka tirsan Puntland (waa wasiirka gudaha Puntland Cabdi Faarax Saciid ;Juxa; iyo Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir) rag gaajeysan oo aan gob ahayn, isagoo ku dhaliilay in ay ka qeyb galeen xaflad loogu dabaal-degayay Biya-xireenka Itoobiya oo Garoowe lagu qabtay.

Wasiir Caydiid oo si caro leh uga falceliyay hadalkaasi ayaa Fiqi ku tilmaamay nin gaajaysan oo qabuuraha faagta, islamarkaana hore uga tirsanaa Argagixisadii kala danbeeyay ee Maxaakiinta iyo As.

” Fiqi isagaa gaajaysan oo qabuuraha faagta si uu lacag uga helo, ha iska daayo qabuuraha uu qodanayo. Awalna Al-shabaab buu ahaa oo waa la garanayaa asalkiisa in uu argagixiso ahaa, isagoo koofiyad xun oo maxaakiintii taagan sawirkiisu meel walba waa yaal. Fiqi danbas walba wa soo fadhistay mid Maxaakiin iyo mid Al-shabaab intaba” ayuu yiri wasiir Caydiid Dirir.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News