SO | EN

SO | EN

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo Washington uga qeyb galaya shirka lix biloodlaha ee IMF

|

Washington (KAAB TV) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC, halkaas oo lagu qabanayo shirka xiliga guga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Banginga Adduunka oo socon doona muddo hal toddobaad ah.

Sidoo kale, ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kulankaan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka Soomaaliya, caawinaada IMF iyo helidda maal-galin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kaddib.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News