SO | EN

SO | EN

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo si adag ugu jawaabay Ra’isul Wasaare Xamse cabdi Barre

|

Kismaayo (KAAB TV) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Barre, ayaa shalay weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo uu ku sheegay in si iskiis ah  isugu caano shubayo, waxa uuna sharcidarro aan la aqoonsan doonin ku tilmaamay doorashada uu qabsanayo.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta ee Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar, ayaa sheegay in dastuurka Jubbaland u ogolaanayo in ay qabsadaan doorashadooda, waxa uuna xasuusiyay Ra’isul Wasaare Xamse xilligii uu isaga naftiisa difaacayay qabashada doorashada Jubbaland xilligii dowladdii Farmaajo kasoo horjeeday.

“Ra’iisul Wasaaruhu waa in uu isagu dib iskugu noqdaa. Waxa aan xasuustaa xilli uu ku doodayey in Jubbaland ay doorasheedada u madaxbanaan tahay halka uu maantay ku doodayo doorashada Jubbaland ma aha mid sharci ah” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, ayaa sheegay in maamulkooda iska diideen doorasho muddo dhaaf ah, waxa uuna tilmaamay in ka go’an tahay in ay qabsadaan doorashooda si meesha looga saaro firaaq dastuuri ah, ayna raacayaan waxa uu dhigayo dastuurka Jubbaland.

Dhanka kale, guddiga doorashada maamulka Jubbaland ayaa hadda wada qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo xulista golaha cusub ee Wakiillada Jubbaland, kuwaa oo iyana dooran doona Madaxweynaha Jubbaland 25-ka bishan sida lagu caddeeyay jadwal kasoo baxay guddiga doorashafa.

Sikastaba, dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda caddeysay in aysan aqoonsan doonin waxii kasoo baxa doorashada ka dhaceysa maamulka Jubbaland, waxa ayna xukuumadda uu ugu horreeyo Xamse Barre caddeysay in doorashada Jubbaland gabi ahaan tahay sharcidarro.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News