SO | EN

SO | EN

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo ka jawaabay hadalkii Wasiirka arrimaha dibadda DF Axmed Fiqi

|

Hargeysa (KAAB TV) – Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa ka jawaabay hadallo uu warbaahinta mariyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo la xiriiray doorashadii ka dhacday Somaliland.

Fiqi ayaa ku eedeeyey safiirada qaarkood iney Somaliland ku tilmaameen dowlad madax banaan taasoo uu sheegay iney xad gudub ku tahay qaranimada iyo midnimada Somalia

Fiqi ayaa sheegay in qaar ka mid ah safiiradii goobjoogga ka ahaa doorashadaas ay la tiigsan doonaan sharciga lana xisaabtami doonaan.

Sidoo kale, Xamse Cali Jeesto wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa hadalka Wasiir fiqi ku tilmaamay mid muujinaya xaasidnimo iyo inuu ka xun yahay horumarka Somaliland.

“Xasadku waa xanuun ku dhaca qalbiga, waana naceyb iyo karaajiyo aad u qaado nimco uu ILAAHAY siiyey walaalka, xasadka Fiqi iyo dadka la midka ahna waxba na yeeli maayo hadaan reer Somaliland nahay laakiin wuxuu na tusay wuxuu yahay” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Xamse Cali Jeesto ayaa sheegay inaysan aheyn markii u horeysay ee Wasiir fiqi uu ku hadlo waxyaabo noocaas ah, isagoo xusay in Fiqi uu dhibaato ku yahay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Shiikh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News