SO | EN

SO | EN

Wasiirkii Batroolka DF Soomaaliya ee maanta xilka laga qaaday oo afka furtay

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ahaa Wasiirkii Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka looga xayuubiyay isku shaandheyn kooban oo lagu sameeyay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada.

Cabdirisaaq oo lagu tirin jiray xubnaha ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booska laga saaray. Waxaana lagu bedelay Daahir Shire Maxamed oo noqonaya wasiirka cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale wasaaradaha loo kala bedelay Jeneraal Bashiir Goobe oo muddooyinkan ay dhibaato weyn ka heysatay Wasaaraddii Haweenka ee magaca looga bedelay isaga dartiis, taasoo markii ay cabashada iyo hadalheynta haween weynaha ee dhanka warbaahinta ay ku badatay, uu Wasiir Bashiir Goobe codsaday in laga bedelo.

Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa noqonaya Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, halka Khadiijo Al-Makhsuumi, oo ah xildhibaan, ahna haweeney u dhaxda Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh loo soo wareejiyay Wasaaradda magaca laga bedelay ee Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

Cabdirisaaq oo lagu tirin jiray xubnaha ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booska laga saaray. Waxaana lagu bedelay Daahir Shire Maxamed oo noqonaya wasiirka cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.
Cabdirisaaq oo lagu tirin jiray xubnaha ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booska laga saaray. Waxaana lagu bedelay Daahir Shire Maxamed oo noqonaya wasiirka cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Cismaan Axmed Macoow ayaa isaguna loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Wasiir Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu afka furtay

Haddaba sheekada ugu hadalheynta badan ayaa ah in Wasiir Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu afka furtay ka dib markii xilka laga qaaday.

Qoraal dheer oo uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayu uku yiri sidan:

“Waxa laga yaabaa in ay dadku iswaydiinayaan sababta xiligan ku soo aadisay xil ka qaadistayda, iyada oo ay dad badan tuhmayeen in uu jiray xiriir qota dheer oo igala dhexeeyay Madaxweynaha.

Waa dhab in uu jiro xiriirkaasi, xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabeele, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, mudadaas oo xalka loo arkay in maamulka hirshabeele caasimad looga dhigo Buloburde, arintaas oo aan hirgelin, laakiin is afgarad lagu gaaray in Jowhar ay noqoto caasimadda maamulka HirShabeele.

Tabashooyinkii oo marba marka ka dambeeyo isa soo tarayay ayaa sii xoogaystay waqtigii uu Maxamed Abdullahi Farmaajo uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, iyadoo lagu guul daraystay waqtigaa in tabashada ay qabeen reer Hiiraan xal laga gaaro.

Mabda’iyan Madaxweynaha, aniga iyo siyaasiyiinta kale waxaan ka midaysnayn in tabashooyinka ay qabaan reer Hiiraan ay yihiin tabashooyin dhab ah una baahan xal ay qayb ka yihiin maamulka HirShabeele iyo dowladda dhexe. Hase ahaatee waxaa jiray kala aragti duwanaasho ah xalka ugu haboon oo loo xallin karo tabashooyinkaas, aniga waxaan qabay in xalka laga bilaabo reconciliation iyo in beelaha labada deegaan ee ku midaysan maamulka HirShabeele ee leh oday dhaqameed, Culumo iyo siyaasiyiin laga qaybgeliyo kana heshiiyaan sida ay noqonayso HirShabeelada cusub, lagana heshiiyo arrimaha gundhigga u ah tabashooyinka oo ay ka mid yihiin Caasimadda iyo Baarlamaanka HirShabeele.

Xalka Tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah Xil ka qaadistayda.”

Inkastoo ay jiraan tabashooyinka ka taagan gobolka Hiiraan, iyo guud ahaan maamulka Hirshabeelle, haddana waxaa dadku is weydiinayaan waxa hadda uun ku soo beegay in Wasiir Cabdirisaaq uu hadda ka hadlo arrimaha tabashooyinka Hirshabeelle.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News