Gedo (Kaab TV) – Waxaa gobolka Gedo gaaray guddoomiyaha cusub ee uu dhawaan u magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe, Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir ayaa shalay gaaray magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.
Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo dhowr jeer uu maamulkii hore ee gobolka ka hor istaagay inuu tego halkaas, ayaa ugu dambeyn shalay gaaray Garbahaareey, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Wuxuu yiri “waa idiin salaamaya soo dhaweyntiina aan hore loo sii sheegin haddana uu hoolka idin deeqi waayay aad ayaa idinkaga mahadcelinayaa, maamulka degmada oo guddoomiye Xasan ugu horreeyo waa u mahadcelinayaa,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo.
“Dadka dad hore usii diyaar garoobay ma ahan, inbadan ayaa wada-hadli doonaa oo sida uu guddoomiye Macalimow iyo guddoomiye Xasan ay sheegeen wax badan oo dadka anfaca ayaa qaban doonaa.” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdi Jaamc.
Sidoo kale wuxuu yiri “Cid walba oo reer Garbahaareey ah waxaan rabnaa inay imaato, oo xor ayay u tahay in ay imaato halkaan.”
“Waad ogtihiin aniga waa la icel-celiyay, laakiin hadda kadib cidna lama celin doono oo qoladii i celinaysay xitaa waa fasaxan yihiin waa imaan karaan, cid dambe oo Helicopter hasoo raacdo ama dhul ha soo marte meel aan airport aheyn ka imaan doonta majirto gadaashay.”
Guddoomiye Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir ayaa hore dhowr jeer ugu fashilmay inuu tego magaalada Garbahaareey, kadib markii ay is-hortaag ku sameyeen xubno ka tirsan maamulka horay ugu magacawna gobolkaasi iyo dad deegaanka ah.
Sidoo kale illaa hadda si rasmi ah looma oga waxa lagu qanciyay dadka reer Garbahaareey oo horey saluug uga muujiyay siyaasada Axmed Madoobe, mana jirro wax war ah oo kasoo baxay maamulkii hore ugu magacawna gobolka ee diiday socdaalka maamulka cusub.