Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa maalintii labaad magaalada muqdisho ka socdo shirweynaha mucaaradka, kaas oo ay ugu arrin sanayaan xaalada guud ee dalka iyo sidii ay uga hortagi lahayeen damaca dowladda madaxweyne xasan sheekh.
Sidoo kale, shirkan oo shalay ka furmay magaalada muqdisho ayaa madaxdii ka hadashay waxa ay sheegeen in dowladda aan laga aqbali doonin in xukunka dalka ay kaligood isku ekey siiyaan, islamarkaana xiligan dalka aysan ka dhici karin doorasho hal xisbi taladeeda iyo go’aankeeda uu leeyahay.
Ugudambeyntiina waxa ay madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeen in miiska wadahadalka uusoo fadhiisto, si talo mug iyo miisan leh looga yeesho xalka siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.