BALADXAAWO (Kaab TV) – Waxbarasho bilaash oo ah xuquuqda muwaadiniinta canshuur bixiyaasha ah ayaana ka jirin dalkeena Soomaaliya.
Sidoo kale, marka la eego haweenka iyo ragga, waxaa inta badan Soomaaliya mudnaanta koowaad la siiyaa waxbarashada ragga, ayadoona xuquuqda aasaasiga ah ee waxbarasho ee gabdhaha Soomaaliyeed ka hooseyso tan ay wiilashu helaan.
Soomaaliya, in haweenku ay helaan waxbarasho si lamid ah ragga waa arrin aad u adag. Kala duwanaanshaha jinsiga ayaa dalkeena ka ah arrin caadiya, ayadoona Soomaalidu aysan mudnaan gaar ah siinin waxbarashada haweenka.
Sanadkii 2022, heerka diiwaangalinta ama ku biirista goobaha waxbarashada ee gabdhaha ayaa ahaa boqolkiiba 28.
Taasi waxay ka dhigan tahay, in 100 ruux ee joogta goob waxbarasho kaliya 28 ay ka yihiin dumar halka 72 kale ay yihiin rag.
Sidoo kale isla sanadkii 2022, guud ahaan tirada dadka qaangaarka ah ee waxna qora waxna aqriya ayaa ahayd boqolkiiba 41.
Taas waxay ka dhigan tahay in boqolkii qof ee Soomaaliya ee qaangaar ahba kaliya 41 ruux ay waxna qori karto waxna aqrin karto.
Boqolkiiba 54 dadka waaweyn waxna qoro waxna aqriya ayaa ah rag, halka dumarku ay ka ahaayeen wax ka hooseeya 22 boqolkiiba.
Horumarada Gobolka iyo Tirakoobka Ardayda
Gobolka Gedo wuxuu ka mid yahay meelaha ay ka jirto caqabadan guud ahaan bulshada Soomaaliya haysata, balse waxaa waayadii dambe laga dareemayay sare u kac dhanka gabdhaha goobaha waxbarashada aadaya.
Haatan, gabdhuhu waxay ka yihiin goobaha waxbarashada wax ka badan boqolkiiba 40.
Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, waxaa sanad dugsiyeedkii tagay goobaha waxbarasho dhiganayay arday ka badan 12,000.
Gabdhuhu waxay ahaayeen wax ka badan 5,500 halka wiilashu ay ahaayeen 6,500.
Tan ayaa ka dhigan in ardayda dhigata dugsiyada degmada Baladxaawo ay boqolkiiba 45 yihiin gabdho, sida uu muujinayo diiwaanka tirakoobka ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.
Hase yeeshee, waxaa deegaanada qaar ka jira faham bulshada ay ku baraarugsan tahay ahmiyadda waxbarashada gabdhaha.
Deegaanka Balad Amiin, oo 7 kiilomitir u jira dhanka soohdinta Kenya kaga beegan magaalada Baladxaawo waa deegaan xoolo dhaqato oo uu ku yaallo dugsiga hoose iyo sare.
Sida uu sheegayo maamule ku xigeenka iskuulka, Ibraahim Kalil Ibraahim, is diiwaangelinta waxay sannadkan gaartay 367 guud ahaan 722 arday oo sannadka iskuulka dhiganaysa.
“Halkaa waxaad ka dareemeysaa farqi in waxbarashadii gabdhaha ay aad u kobocday, bulshadiina ay fahmeen waxbarashada gabdhaha muhiimadda ay leedahay,” ayuu yiri macallin Ibraahim.
Sidoo kale, macallin Cabdinaciim oo maamule ka ah iskuulka Baladxaawo Secondary oo ah iskuulkii ugu horreeyay ee dugsi sare ah oo dowladdu leedahay oo ka shaqo bilaabay Baladxaawo ayaa sheegay in fasallada laga dareemayo in haweenku ay tiro badan ugu soo biirayaan waxbarashada sannadahan dambe.
“Waxaa jirtay in gabdhuhu u badnaayeen fasallada hoose ee dugsiyada, laakiin hadda waxaa jira isbeddel,” ayuu yiri macallin Cabdinaciim oo caddeeyay in marka ay timaado kharashka waxbarashada (tuition fees), waalidiintu ay mudnaanta siiyaan wiilasha.
Tani waxay gabdho badan ka reebtaa waxbarashada xitaa iyagoo hore u dhiganayay iskuulada.
Dhaqan ahaan shaqooyinka guriga sida cunto karinta, nadaafadda, iyo haynta carruurta waxaa qabta gabdhaha, waana sababta waalidiinta ugu baahan yihiin gabdhuhu inay guriga joogaan.
Hawl-wadeenada waxbarashada ayaa sheegaya in gabdhaha ay soo food saarto caqabado ka duwan kuwa ay wajahaan ragga marka laga hadlayo waxbarashada.
Caqabadaha waxaa ka mid ah duruufaha dhaqaale iyo kuwa dhaqan oo hoos u celiya horumarka ay gabdhuhu sameyn lahaayeen.
Goobaha waxbarashada oo ka fog ama aanan ka jirin deegaanada ka baxsan magaalooyinka ayaa sidoo kale ah caqabad kale oo heysata waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed oo dhan.
Cabdicasiis Mubaarak oo ah madaxa cilmi-baarista Jaamacadda Gedo ayaa tilmaamay caqabadaha ay gabdhuhu wajahaan iyo sida sare loogu qaadi karo xirfada gabdhaha si ay uga soo muuqdaan goobaha waxbarasho iyo shaqo.
“Caqabado badan ayaa weli jira oo hortaagan waxbarashada gabdhaha. Waxay ka bilaabaan isla iskuulada. Miyiga, gabdhuhu markay dhammeeyaan dugsi hoose ma heli karaan dugsi sare oo ku yaalla magaalada, waayo waalidiinta waxay doorbidaan wiilasha. Waxaa kaloo jira duruufo dhaqaale, duruufo dhaqan, gabdhaha qaarkood oo guurka lagu qasbo iyo waxyaabo dhaqanka la xiriira oo ah in gabadhu hadday waxna qori karto, waxna akhrin karto laga joojiyo wax intaas ka badan iyadoo la aaminsan yahay inay guursato oo ay nin u noqoto xaas,” ayuu yiri Cabdicasiis Mubaarak.
Helista waxbarasho loo siman yahay kaliya ma aha waajib saaran waalidiinta iyo maamulayaasha goobaha waxbarashada, ee sidoo kale waa qeyb ka mid ah xalka Soomaaliya looga saari karo jahliga sarena loogu qaadi heerka sinnaanta bulshada.
In haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka qaataan dib u dhiska qarankii burburay ee Soomaaliya ayaa ah arrin lama huraan ah.
Si taasi loo helana, waxaa waajib ah in la helo gabdho xuquuqda waxbarasho kala siman ragga maadaama hooyo waxbaratay ay tahay qaran waxbartay.