Beledweyne (Kaab TV) – Khasaaraha ka dhashay weerar ay maanta maleeshiyaad hubeysan ka geysteen xadka ey wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac intaba leh.
Deegaanka uu weerarka kadhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa, Xudiwagle oo hoostaga degmada Feer Feer, Soomaaliya ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in weerarka ay fuliyeen rag kasoo talaabay xadka uu Hiiraan la wadaago dhulka Itoobiya, kuwaas oo kadib baxsaday.
Waxaa kudhintay hal qof oo kamid ahaa dadka deegaanka halka ay dhaawacyo soo gaareen dhowr qof oo kale, sida ey xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Dhanka kale qofka dhintay iyo dadka kale kudhawaacmay weerarkan ayaa lasheegay in ey ahaayeen dad beeraley ah, waxayna xilligaas ku sugnaayeen beerahooda, sida ey sheegeenka dadka deegaanka.
Dhanka kale weerarkan ayaa kusoo beegmay xili dadka beeraleyda ah ay ku howlanaayeen tacbashada dhul beereed ku yaalla deegaanka Xudiwagle, halkaas oo maanta lagu soo weeraray.