Weerarka ayaa markii hore ku billaawday qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah oo lala begsaday Ciidamada, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab, xilli ay marayeen duleedka deegaanka Mararani ee gobolka Waqooyi Bari.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay maqlayeen jugta qaraxa lagu weeraray Ciidamada Kenya iyo dagaalka ay la galeen Al-Shabaab, balse aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.
Saraakiil katirsan Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarkii kaga yimid, isla markaana ay socdaalkoodii sii wateen, balse Al-Shabaab ay sheegeen inay burburiyeen mid kamid ah gadiidka Ciidamada Kenya.
Tan iyo sanadkii 2011-kii oo Ciidamada Kenya ay soo galeen meelo kamid ah Soomaaliya, iyaga oo kamid noqday howlgalka ATMIS ayaa waxaa Al-Shabaab ay weeraro la beegsanayeen Ciidamada Kenya, xilliyada ay ku socdaalayaan meelo kamid ah dalkaas