Muqdisho (Kaab TV) – Ciidanka Gaashaan ee Mareykanku tababaray ayaa soo afjaray weerar qaatay in ka badan 11 saacadood oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen xabsiga Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee Godka Jilicow, ee magaalada Muqdisho Sabtidii.
Weerarka oo bilawday casarkii Sabtida ayaa ku bilawday baabuur Cabdi Bile ah oo qaraxyo ku rakibnaayeen ayna la socdeen maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo gudaha u galay ka dibna la wareegay xabsigan sida weyn loo adkeeyo amnigiisa.
Weerarka ayaa socday illaa waaberigii Axadda ee 5 Oktoobar, markaas oo la sheegay in ciidanka sida gaarka u tababaran ee Gaashaan ay toogteen dhammaanba kooxdii weerarka soo qaadday.
Ciidanka Haramcad ee booliska oo ah ciidan ay tababareen Turkida ayaa laga saaray goobta saq barkii Sabtida, markaas oo ciidanka Gaashaan ay la wareegeen.
Al-Shabaab ayaa gudaha xabsiga ka waday dagaal rasaas toos ah iyo qaraxyo bambooyin ay u adeegsadeen.
Ilo wareedyada hay’adda NISA ayaa Kaab TV u sheegay in qaar ka mid ah maxaabiistii xabsiga ku jirtay oo horey u ahaa Al-Shabaab ay ku biireen dagaalka ka dib markii ay heleen bambooyin.
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka ayaa sheegtay kaliya 7 ka mid ah dagaalyahanka Al-Shabaab in la dilay.
Hase yeeshee wararka amniga ayaa xaqiijinaya in tirada kooxda weerarka geysatay ay gaarayeen illaa 10.

Dowladdu ma sheegin guud ahaan tirada maleeshiyaadka weerarka geystay, iyo halka ay ka bexeen kooxdii kale.
Wuxuu ahaa weerarkii labaad ee ugu cuslaa ee sannadkaan oo ay Al-Shabaab sannadkaan ka fuliso Muqdisho ka dib weerarkii 18 Maarso 2025 ee kooxda mintidka ku dooneysay inay ku khaarajiso Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Al-Shabaab ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in weerarka ay ku qaadeen Xabsiga Godka Jilicow oo ah meel lagu xiro xubnaha iyaga laga soo qabto xilli uu ka socday shir ay lahaayeen saraakiisha NISA ee qaabilsan Muqdisho.
Sidoo kale, idaacadda Al-Shabaab ayaa baahisay codad teleefoonka si toos ah looga qabtay qaar ka mid ah maleeshiyaadka weerarka fuliyay, kuwaas oo siidaayay maxaabiis ku jirtay xabsiga.
Tirada maxaabiista waxay ku sheegeen illaa 12 ruux.
Kaab TV ayaa ogaatay in saddex xubnood oo ahaa argagixisada Al-Shabaab oo laga soo qabtay degmada Afgooye, Shabeellaha Hoose oo ay qaraxyo iyo dilal ka geysteen, inay ka mid noqdeen maxaabiista baxsatay.
Ilo wareed maamulka Afgooye ayaa Kaab TV u sheegay in saddexda xubnood ay sugaayeen in la horgeeyo maxkamadda ciidamada, uuna jiray baaritaan ku aaddan sidii xubno kale oo kooxdan oo loo yaqaano “Musiibada Afgooye’ loo soo qaban lahaa.
Hay’adda NISA ayaa ka aamustay inay ka hadasho weerarkan.
KHAASARAHA
Waxaa weerarku geystay khasaare dhimasho badan oo ay ku jiraan askar iyo maxaabiis. Dowladda way ka gaabsatay ka hadalka khasaaraha.
Hase ahaatee sarkaal goobta tagay weerarka markuu dhammaaday ayaa noo sheegay inuu arkay in ka badan 20 meyd oo is dhex daadsan lana kala saarin.

BAABUURKA WEERARKA GEYSTAY
Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkan u adeegsatay baabuur nooca Cabdi Billaha (pick up truck) oo dusha ka furan kaas oo ay leedahay NISA.
Muuqaallo CCTV ayaa laga arkay baabuurka oo maleeshiyaadka ka soo galiyay waddada Afgooye, waxaana il wareedyada amnigu isku raaceen in baabuurkan uu horey u mari jiray waddooyinka magaalada Muqdisho, uuna ahaa baabuur hay’adda NISA leedahay oo aan waddooyinka aalaaba lagu istaajin.
Baabuurkan ayaa markii uu weerarku bilawday ku qarxay albaabka xabsiga Godka Jilicow, ka hor intuusan weerarku bilaaban.

Sarkaal NISA oo baaritaanka ka warqaba ayaa Kaab TV u sheegay in afar xubnood oo NISA ka tirsanaa, kana mid ahaa kooxdii kasoo goosatay Al-Shabaab (defectors) ay ka mid yihiin kuwa weerarka geystay, waxaana hadda NISA ay wadda baaris arrinkaan ku aaddan.
NISA ayaa alaaba xilal u dhiibta xubnaha Al-Shabaab kasoo goosta oo sidoo kale ah far muuqayaal (informants) ka shaqeeya Muqdisho.
Weerarkan wuxuu dhacay isla maalinkii Raisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Taliyaha NISA Mahad Salaad, iyo Wasiirka Amniga General Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ay ku dhawaaqeen furitaanka qaar ka mid ah waddooyinka bartamaha caasimadda, kuwaas oo toban sano u xirnaa baqdinta qaraxyada Al-Shabaab darteed.
Weerarka kadib waxaa la adkeeyay amniga Muqdisho, waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada oo dadka iyo gaadiidka loo diiday taasoo ciriiri galisay isu socodka dadweynaha.

