MUQDISHO (Kaab TV) – Weerarkii Arbacadii lagu qaaday madaxda Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, xilli ay booqanayeen saldhigga booliska degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, wuxuu muujiyay halista ay wajahayaan dhammaan qaybaha bulshada.
Dhacdadan rasaaseed ayaa bilaabatay kaddib markii mas’uuliyiinta madasha mucaaradka ay isku dayeen in ay soo daayaan dad shacab ah oo lagu soo afduubay xaafadda Siinaay, kuwaas oo lagu hayay saldhigga.
Dadka si qasab ah loo soo xiray waxaa ka mid ahaa oday Axmed Siicow Maxamed, oo 80-jir ah, laguna arkay muuqaallo baraha bulshada isaga oo ay ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) si xun u jirdilayaan, dhulka ku jiidayaan, illaa uu ka suuxo.
Ciidanka NISA oo ay la socdaan askar boolis ah ayaa fulinayay amar lagu barakicinayo dadka rayidka ah ee ku nool xaafadda Siinaay.
Tallaabadan ayaa sababtay in ciidanku guryaha ugu daataan haween, carruur iyo waayeel, isla markaana qaar la garaacay. Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay dhowr haween ah oo dhaawac ah, oo ay ku jirto haweeney uur leh.
One appalling incident involved an 80-year-old Somali man whose home was demolished in broad daylight.
The victim testified that the bulldozer that tore down his home physically lifted him into the air, which means that neither the police nor the driver of the bulldozer cared… pic.twitter.com/2xWwvHxJQl
— Kaab TV (@KaabTV) September 26, 2025
Inta badan dhulalka dadka rayidka looga barakiciyo Muqdisho waxaa lagu wareejiyaa ganacsato awood maaliyadeed leh, hase yeeshee dhaqaalaha ka soo xarooda ma gaaro khasnadda dowladda, balse wuxuu ku dhacaa jeebka shaqsiyaad gaar ah.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo hoggaamiyeyaal kale oo mucaarad ah ayaa tegay saldhigga booliska Warta Nabadda, waxayna istaageen albaabka iyaga oo codsaday in loo oggolaado in ay la kulmaan dadka shacabka ah ee la xiray.
Sida ay sheegeen suxufiyiin la socday, ciidankii uu hoggaaminayay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi), ayaa rasaas ku furay madaxda mucaaradka iyo saxafiyiinta ku sugnaa goobta.
Weerarka waxaa ku dhintay saddex qof, halka toddoba kalena dhaawacmeen. Ugu yaraan mid ka mid ah dadka dhintay waxay ahayd gabar da’ yar oo fasalka sare ee dugsiga ku jirtay, taas oo rasaas haleeshay iyadoo ku sugnayd agagaarka iskuul u dhow goobta.
Dhacdada kadib, mucaaradka ayaa shir jaraa’id ku qabtay hoteelka Jasiira, iyaga oo sheegay inay ka badbaadeen isku day dil.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay: “Markii aan tagnay albaabka saldhigga ayaan istaagnay, waxaan codsannay in naloo oggolaado inaan aragno dadka dhaawaca ah. Markii nalaga hor istaagay waxaan rabnay inaan halkaas ku qabanno shir jaraa’id, balse xabbad ayaa markiiba bilaabatay.”
Shariif ayaa intaas ku daray in gaarigiisa gaarka ah uu haleelay rasaas si toos ah loogu beegsaday. “Baabuurkaygu ma ahan mid gaashaan leh. Waad iska garan kartaa ujeeddada. Waxaa la doonayay in nala dilo,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaarihii hore Khayre ayaa dhankiisa sheegay in weerarku ahaa mid qorsheysan oo halis geliyay naftooda. Mid ka mid ah ilaaladiisa, Liibaan Xaashi Cabdullaahi, ayaa lagu dilay isaga oo ku sugnaa gudaha gaariga. Khayre wuxuu sidoo kale sheegay in gaari kale oo la socday ay ku dhuftay qoriga RPG, isla markaana uu goobta ku gubtay.
Dhanka dowladda, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku eedeeyay mucaaradka in dhacdadaasi ahayd isku day afgambi, wuxuuna amaanay ciidanka rasaasta ku furay madaxda mucaaradka.
Mucaaradka ayaa isla maalintaas ku dhawaaqay bannaanbax looga soo horjeedo dowladda, gaar ahaan barakicinta shacabka ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka wado caasimadda. Bannaanbaxaasi wuxuu sare u qaaday xiisadda amni, iyadoo ciidamo hubeysan la dul dhigay guryaha madaxda mucaaradka, gaar ahaan aagga KM4 ilaa garoonka Aadan Cadde.
Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Xuseen Muungaab, ayaa shir jaraa’id ku goodiyay in ciidamadu tallaabo adag ka qaadi doonaan bannaanbax aan fasax ka heysan dowladda.
Dhanka mucaaradka, waxaa la sheegay in ciidamo ka tirsan militariga (SNA) oo taabacsan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay soo galeen Muqdisho Khamiistii, si ay u difaacaan madaxda iyo dibadbaxa loo ballansanaa Sabtidii, hase yeeshee dibadbaxu wuu baaqday.
Muqdisho oo horey ugu jirtay amni-darro iyo barakac baahsan ayaa hadda waxaa kusii kordhay xiisad siyaasadeed oo cabsi hor leh ku abuurtay shacabka. Dad badan ayaa walaac ka muujiyay in dowladda federaalka ay ku sii socdaan kalitalisnimo, iyadoo awood ciidan loogu adeegsanayo mucaaradka, halkii xoogga la saari lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

