SO | EN

SO | EN

Weeraro xiriir ah oo ruxay Koonfur Galbeed Soomaaliya; khasaare ayaa la sheegay

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Weeraro argagaxiso oo xiriir ah ayaa xalay oo Talaado ahayd ka dhacay magaalooyin badan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo qeybaha bulshada.

Deegaanka Goof-gaduud Buurey ayaa maleeshiyaad hubeysan ayaa maqribnimadii caawa weerar ku qaaday, waxaana halkaasi ka dhacay israsaaseyn xooggan oo ay la galeen ciidamada ammaanka. Markii ay isaga baxeen kooxaha kacdoonka wada ayaa la sheegay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen iska horimaadka.

Deegaanka Maayafuulka ayaa waxaa ka dhacay weerar xooggan oo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisin ciidamada ay ku sugnaayeen, waxaana taasi ay keentay in rasaas xooggan la is dhaafsado.

Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, ayaa waxaa xalay saqdii dhexe ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab, kaasi oo ay ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin Degmadaasi. Iska horimaadka ayaa socday muddo saacada ah, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in hal qof uu ku dhintay tiro kalena ay ku dhaawacmeen intii ay ku guda jireen dib u gurashada maleeshiyada.

Labada ciidan ee Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin weeraradaasi.

Al Shabaab oo u dhaqaaqay dhanka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa weerar culus ku qaaday Saldhig ciidan oo ku yaala Magaalada Qoryooley, waxaana xigay weerar labaad oo ay ku qaadeen Ciidamada Nabad Suggida ee ku sugnaa Koontaroolka Danoow. Nasiib wanaag, lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dhacdooyinkan gaarka ah.

Ilaa iyo hadda saraakiisha laamaha ammaanka ma aysan ka hadlin weeraradan is xig xigay.

Dhinaca kale, isla maanta, Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo marayay meel ku dhow degmada Waajid ee gobolka Bakool. Sida ay sheegtay Al-Shabaab, ugu yaraan 8 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu dilay weerarka. Si kastaba ha ahaatee, ilo madax banaan ayaan weli xaqiijin khasaaraha la sheegay.

Dhacdooyinkan ayaa muujinaya kor u kaca weerarada kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya tan iyo bishii May, waxayna ku soo beegmayaan iyadoo si tartiib tartiib ah loo dhimay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News