Lubnaan (Kaab TV) –Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay weerarro cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday caasimadda Lubnaan ee Bayruut iyo koonfurta dalkaas, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan. Weerarradan ayaa qayb ka ah dagaalka sii ballaadhanaya ee u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan, kaas oo saameyn xooggan ku yeeshay gobolka Bariga Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in weerar ay Israa’iil aroornimadii Jimcaha ku qaaday baabuur marayay xaafadda xeebta ku taalla ee Jinah, oo ku taal koonfur-galbeed ee Bayruut, uu sababay dhimashada hal qof.
Sidoo kale, duqeyn kale ayaa ku dhacday guri dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Nabaa, oo ay deggan yihiin bulsho badan oo Armeeniyaan ah. Guriga ayaa dab qabsaday, inkastoo aan isla markiiba la xaqiijin wax khasaare naf ah oo halkaas ka dhashay.
Wararka ayaa tilmaamaya in tani ay tahay markii ugu horreysay ee xaafaddan la beegsado tan iyo markii uu billowday dagaalkan, sidoo kale waxay kamid tahay xaafadaha aab hore loo garaacin dagaalkii 2024 ee u dhexeeyay Xisbullaah iyo Israa’iil.
Tirada guud ee dadka ku dhintay weerarrada Israa’iil ee Lubnaan muddada ka yar laba toddobaad ayaa gaadhay 687 qof, kuwaas oo ay ku jiraan 98 carruur ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta Lubnaan. Dhanka kale, in ka badan 800,000 qof ayaa guryahooda ka barakacay weerarradan.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah weerarrada Bayruut uu badhtilmaameedkiisu ahaa xubin ka tirsan ururka Xisbullaah. Sida ay werisay telefishanka Al-Jasiira, Israa’iil waxay sidoo kale sheegtay inay beegsanaysay kayd lacageed oo ay ku eedaysay Xisbullaah inuu ku qarinayay dabaqyada hoose ee dhismayaasha qaarkood.
Intii ay socdeen weerarrada, diyaarad aan duuliye lahayn (daroon) oo Israa’iil leedahay ayaa weerartay dhisme dabaq ah oo ku yaalla Buurj Xamud, oo ah xaafad ku taalla waqooyi-bari Bayruut, sida ay sheegtay wakaaladda wararka qaranka Lubnaan.
Xaafadaha la duqeeyay qaarkood waxay ka fog yihiin koonfurta Bayruut, halkaas oo milateriga Israa’iil uu hore ugu dhawaaqay inay tahay aag dagaal, isla markaana uu dadka ka barakicinayo, iyadoo duqeymo joogto ah ay ka socdaan halkaas.

