Muqdisho (KAAB TV) – Weriyaal ka tirsan KNN ayaa saaka shaqo u tagay qabuuraha iskuul Boolisiyo sargaal boolis ah ayaa ka qaatay qalabkii kadihna wuxuu weydiistay lacag 50 dollar ah.
Illaa hadda waxaa goobta ku xaniban weriyaashii iyo qalabkii oo madax furasho loo haysto sidaas waxaa bartiisa faceboog ku qoray Burhaan Diini Faarax mid ka mid ah hoolwadeenada idacada KNN.
Dad badan ayaa arintaas ka falciliyay.
Hoos ka aqriso.
Ahlu qubuurki cml miyaaa leydiin canshuuri rabaaaaaa
sxb iska dulqaato ragbaa tiinka talaalay kadibna eedaye
Duni macaankii ka dhamadaa wardiyo ka nahay
Ninkii meyd canshuuray maa TV u daahaa 😂😂
Wax loo dulqaadan karo maaha
Meyd aa madax furasha laga qadayaahe nin nool yaa udaahayya.
14m14 minutes ago
100$ halaga qaado wariyaashan waalan 😂
Mahaas meydka la furanaa maxaa ka jeriseen adinka, lacagta iska bixiya ooyinta joojiya waa ogayd in qofkii taga meeshaas qof nol walaa meyd lacag laga rabo.
Team Qabuurafaakte ex Damuljadiid daĺlaalyaasha siyaasiinta ah ee calooshood u shaqeystayaalka ah miyaad agabkiina u geyseen maxaad Idaacadaha Dowladda xitaa dhibaatadii ma gaartay Awoowe
Dadka waalid kood dhintay 10 sano kahor nafta xaga Alle bey jirtaa laf ad so qadatyn waxba nii tarimeyso Ayaka Ayaa dhib qabo oo Allah Ayaa laxisab tamaa ee waalidkin uduceya kaliya
Abwaan guure xili uu gabay sootuuri lahaa waaye hadeesan so fasaxin
Abwaan Guure buraanburkiisuu wataa sow maaha. Ninkaas niicda Tiyaatarkaa ka badan.
Walee Xamaraa xamar wax ka socdo waa dhac Caadi ah
Damjadiid idinkaa u buraanburi jirey ka xaa xaabiya
Team KNN Adinka Aduunkii miyaa idinku aadi Wayay Asaaad Akhiro u dhaadhacdeen.
Iska Dhiiba Lacagta. Meydkiiba Lacagta waa laga Qadyee.
Agaasime hadii qabuuri hii la canshuuray qalab ganacsi waa caadi
Nin mayd cashuur ka Rabo .. qof nool iyo Qalabkiisa .. in uu madax furasho waydisto waa wax iska basiid ah 😣😂💔
Waa kii milkiilaha KNN difaacayey in qabuuraha lafaago!!
Kkkkk Aaaway Ninkii Lahaa Idaaacadaas Ee afka dowllada ku hadli
Sharuurkii maa adinka idin soo galay agaasime is furdaamiya ragaa lahaan jiree
Wllhi hadiiba dadki dhinthy ay nabad galli wayeen kuwa nool qofna uma daheyso ee allah na amansado
Shaqaa socoto wacadale🙉😹😹😹
LacGta ka dhiib mar danbane meeshaas bariis ha uu soo raadin team KNN😄
Cajiib, bal melaha galgala dad kale kasareyo raadiya
Meesha kulmiye ka qeyliyey maxaad moodaa idaacadaha kale
Lafo mar hore la dugay ayee lacag ku qadaayen ma u daahayan qalab. Wariye xamar waxaa u maleynaa in xitaa Dadka nool lacag laga qaado lacag.
Shaqo kulahaa iyo camera 📷 war anakii ayaaba telephone nalaga reebayy markasaa rabtaa inaad warbixin iyo vedio kasoo samaysaan 😆 qaar ka mid ah dadkii ka falciliyay qoraalkii uu qoray mid holwadeenada knn.
Waxaan maanta tagay qubuuraha Iskool Boliisiya oo aan u raacay nin saaxiibkey ah oo doonay meydka walaalkiis oo ku dhintay qaraxii Tiyaatarka. Waxaan ka lugeynay iskuulka 21ᵏᵃ Oktoobar, maadaama uu jidku u xirmay jaam ka dhashay gawaari ambalaas u badan oo meydad ka soo qaaday qubuuraha.
Intii aan sii lugaynayay waxaan jidka ku sii arkay dad wada barooranaya oo salli ku wado meydadka waalidkood, walaalahood, iyo awlaaddooda.
Qol yar ku dheggan iridka laga galo isbitaalka Yardameeli waxaa fadhiya koox ka socoto Gobolka Banaadir oo boono laga soo jaranayo. Sandaqadaha ka soo horjeedo isbitaalka waxaa hor tuban wariyayaal kaamirooyin sita oo loo diiday in ay qubuuraha galaan.
Iridka darbiga lagu wareejiyay quruubaha waxaa ku jaran gaari Cabdibile ah. Askar tobaneeye ah oo dadka handadeysa ayaa saaran gaariga. Luuq yar oo bannaan ayay ka galayaan dadka boonooyinka wato ee ay fasaxaan.
Inta aadan qubuuraha galin waxaa lagu marsiinayaa baaritaan adag, si loo hubiyo in aadan moobeel wadan, si aadan u soo duubin qarracanka gudaha ka jira. Anigu wariyaha Shabeelle TV, saaxiibkey Zakariye Ahmed Muse oo ka mid ah wariyayaasha bannaanka tuban ayaan moobeelkii u dhiibtay.
Askari akhyaar ah balse aan go’aanka lahayn ayaa ku jiro. Sarkaal gadaal taagan oo arxandaran ayuu u sheegayaa codsiyada dadka aan boonooyinka haysan. Iridka hore ee qubuuraha waxaa dhooban boqolaal dad ah.
Dadka halkan taagan waxaa ka mid ah hooyo waayeel ah oo ku calaacalaysa in fursad loo siiyo in ay gudaha u gasho qubuuraha, si ay u soo hubsato qabriga wiilkeeda oo askari ahaa, ka dibna ay soo raadsato kharashkii ay kula bixi lahayd. Balse lagama aqbalin.
Qubuuraha ayaan gudaha u galnay. Waxaa nagu soo kala orday xoogsato badiillo sidata oo u tartamaya in ay qabriga noo faagaan iyo darawallada gawaari ambalaas ah oo u soo shaqategay in ay maanta halkan ka shaqeystaan.
Xoogsade iyo ambalaas kasta ma gali karaan ee kuwaan waxaa keensaday Gobolka Banaadir. Qiimuhu ma go’ana balse faaqista qabrigu celcelis ahaan waa $70, kirada ambalastuna waa $40.
Waxaan dul tagnay qubuurihii. Dhinac kasta qabri la faagayo ayaa iiga muuqdo. Ehelladii ayaa dul taagan. Tiro ma leh dadka barooranaya ee ii muuqda oo dumar u badan, oo qarracmay markii bannaanka loo soo dhigay meydadkii aan sanado ka hor aaseen. Walaaca ay dadka ugu badan qabaan waa in aysan garaneyn qabriga meydkooda, maadaama aysan qabriyada badankood calaamad lahayn.
Waxaa dhinacyadeenna yaacaya dad salli ku daddaaminaya meydadka dad ay jeclaayeen oo ay soo faageen. Waxaa la yaab leh in ehellada qaar loo soo saaray meydkii oo sidiisii ah, qaarna ay qalfooftii kaliya ugu tageen qabriga.