Garoowe (KAAB ) – Wariye Jamal Osman oo ka tirsana Chanel 4 ka Ingiriiska ayaa goor dhaweyd laga masaafuriyey Garowe oo shalay lagu xiray,
Sida ay sheegeen suxufiyiinta ku sugan magaalada Garoowe Weriye Jamaal Osmaaan ayaa la saaray diyaarada Ethopian Airweys oo Adisababa ku socotay.
Hay’adaha ammaanka Puntland ayaa weriyahan waxay shalay ka qabteen magaalada Garoowe ee xarunta Puntland , halkaas oo tan iyo shalay su’aallo lagu waydiinayay.
Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA weli kama hadlin eedda lagu tuhmayo suxufi Jamaal oo haysta dhalashada dowladda Ingiriiska deggana magaalada London ee caasimadda dalkaasi.